(Berlin) 28 Nof 2018 – Digteeto Boqortooyo ayaa Friedrich Trump ku amartay in uu isaga guuro Bavaria dib dambana uusan ugu soo noqon karin abidkiis kaddib markii uu ku guuldarraystay ka soo dhalaalidda shaqada qaranka.
Friedrich Trump oo Jarmal ahaa ayaa wareegtada loo diray Febaraayo 1905, taas oo lagu armay in uu ka xirxirto Boqortooyada Bavaria 8 asbuuc gudohood ayadoo lagu sababeeyay in uu ku guuldarraystay qabashada shaqadii qaranka iyo uusan maamulka ku wargalin in uu ka guuray dalka markii uu Maraykanka aaday 1885-kii.
Roland Paul oo ah taariikhyahan ka soo jeeda gobolka Rhineland-Palatinate kaas oo dokomentiyada ka helay maktabad maxalli ah ayaa u sheegay warsidaha Bild: “Friedrich Trump waxa uu Jarmalka ka tagay oo Maraykanka u haajiray sannaddii 1885tii laakiin waxa uu gefay in uu magiciisa ka masoxo diiwaanka dadwaynaha ee Jarmalka mana uusan fulin shaqadii qaranka, taasina waa sababta maamulku ay u diideen iskudaygiisi ahaa in uu dalka u dib u dego.”
Wareegtadu waxa ay amartay in “muwaadin Maraykan ah oo hawlgab ah, waa Friedrich Trump’e” uu dalka uga huleelo “ugu dambayn kowda May… ama uu fisho tarxiil”. Bild ayaa dokumentiyagaan la soo faagay ku sheegay mid ahayn wax la la tacajabo yeelkeede ay tahay tu “beddashay taariikhda dunida”.
Trump waxa uu ku dhashay Kallstadt oo ku taal Rhine-land-Palatinate, sannadkii 1869kii. Waxa uu Maraykan u dalaabay asaga oo 16 jir ah si uu uga fakado saboolnimo ba’an oo qoyskiisa haysatay. Waxaa soo jiitay tartankii dahab qodidda ee Alaska.
Markiiba waxa uu u jeestay cunto ka iibinta dadkii badnaa ee dahabka ka qodayay Alaska, dib waxaa loogu eedeeyay in uu Alaska ka furtay goob jirka looga ganacsado uu na hanti badan ka tabcaday. Waxaa uu xirmooyin dahab ah oo uu cunto ku beddashay u soo diri jiray walaashiis oo ku noolayd New York guryahana ka ganacsan jirtay.
Markii uu booqasho ku tagay Kallstadt 1901dii Trump waxa uu jacayl u qaaday Elisabeth Christ taas oo uu guursaday sannad kadib, dabadeedna uu Maraykanka u kaxaystay. Laakiin waa ay daltabyootay waxa ayna dalbatay ku noqoshada Jarmalka. Maamulka Jarmalka ayaa ishortaagay in qoysku ay dib u dagaan dalkoodi hore.
Iskudayo uu Trump ku doonayay in uu ku jabiyo digreetada dawladda ayuu warqad ammaan ah ku qoray Amiir Regent Liluitpold kaga codsaday burinta amarkii dawladda. laakiin Amiirka ayaa genafka ku dhuftay codsigii Trump kadibna Trump, xaaskiisa iyo gabar ay dhaleen ayaa isaga huleelay Jarmalka 1dii July 1905.
Elisabeth waxa ay lahayd uur saddex bilood ah kaas oo ahaa Donald Trump aabbihiis, Fred Trump. Dadka deegaanka Kallstadt, degmo yar oo khamri-beerato oo ay ku nool yihiin 1,200 oo qofood kuna taal koofur-galbeed Jarmalka ayaa kaftan ahaan eedda in Donald Trump madaxweyne ka noqdo Maraykanka dusha ka saaray maamulka Jarmalka oo awoowgiis dibadda u tuuray.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaan muujin innaba ha yaraatee wax dhaqdhaqaaq ah oo ay ku sheeganayaan wiilkooda ganacsadaha siyaasiga u diga rogtay.
Waxaa la yaab leh in Trump laftiisu uu ka dhaartey inuu ka qayb qaato waajib ciidan oo mutay intii uu socdey Dagaalkii lagu hoobtey ee Vietnam.
Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini

Hadalsame Media