DONALD TRUMP:- “Annigu ma aqbali karo dulmiga Ruushka ku sameeyay Ukraine,”

0

(Washington) 28 Nof 2918 – Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shaki galiyay in wax kulan ah uu la yeelan doono dhigiisa Ruushka Vladimir Putin marka ay ka wada qaybgalaan shirka caalamiga ah ee ka dhacaya dalka Argentina.

Shirkaan oo ah mid caalami ah oo hoggaamiyaasha dalalka G20 ku kulmi doonaan ayaa waxaa loo hadlayaa arrimo badan oo la xiriira dhaqaalaha iyo ganacsiga iyo sidoo kale warshadaha.

Trump, ayaase sheegay in inta shirkaasi socdo ay suuragal tahay inuusan wax kulan ah oo gaar ah la yeelan doonin dhigiisa Raashka Putin.

Sababta ugu wayn ee go’aanka Trump ayaa lagu sheegay kadib markii Ruushku xoog ku qabsaday sadex markab oo laga leeyahay dalka Ukraine asbuucaan horaantiisa.

Yeelkeede xubno kale oo ka tirsan Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay inay wali suuragal tahay inuu dhaco kulanka labada Madaxwayne ee Maraykanka iyo Ruusha.

“Annigu ma aqbali karo dulmiga Ruushka ku sameeyay Ukraine,” ayuu yiri Donald Trump

Ciidamada Badda dalka Ruushka ayaa weerar ku qaaday maraakiib ay lahaayeen ciidamada Ukraine,islamarkaana ka qabsaday maraakiib,taasi oo keentay in madaxweyne Trum uu ku hanjabo in uu ka baaqsan doono kulan gaar ah oo u ula yeelan lahaa Putinka Ruushka.

Hogaamiyaasha wadamada ku horumaray dhanka Warshadaha ee G20 ayaa todobaadkan dabayaaqadiisa ku shiraya magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina,waxaana kulanka gaarka ah ee madaxda Mareykanka iyo Ruushka ay ku balansanaayeen uu ka barbar dhici lahaa shirkaasi.

Lataliyaha dhanka ammaanka e Madaxweyne Trump John Bolton ayaa warbaahinta u sheegay in shirka ay u balansanaayeen Madaxda Mareykanka iyo Ruushka ajandihiisu uu ahaa arrimaha ammaanka iyo hubka, xaaladda dalka Ukraine iyo siyaasadda Bariga Dhexe.

Hadalsame Media