DEG DEG: Argentina oo ogolaatay in dacwad lagusoo oogo MBS oo dalkaa ku sugan!!

0

(Buenos Aires) 28 Nof 2018 – Dacwad ooge Argentinian ayaa sheegay inuu keenayo kiis dacwo ah oo ka dhan ah dhaxal sugaha Saudi Arabia ee Mohammed bin Salman, kaasoo lagu haysto meel ka dhacyo dhanka xuquuqul insaanka ah ee dalka Yemen, sida ay sheegtay Human Rights Watch.


HRW ayaa ayaa garsoorka Argentina ku boorrisey inay adeegsadaan xeer ka mid ah nidaamkooda garsoor si dacwad loogusoo oogo hoggaamiye beenaadka Sucuudiga, oo dalkaasi u tegey Kulan-madaxeedka G20 oo lagu qabanayo Buenos Aires.

Sarah Leah Whitson, oo ah Agaasinka Fulinta HRW waaxdeeda Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika ayaa Twitter ka sheegtay inay isku raaceen in ninkan la dacweeyo iyadoo uu Garsoore maxkamadeed soo bandhigi doono su’aalo uu xog kaga waydiinayo dagaalka Yaman oo Sucuudiga lagu eedaynayo inuu dembiyo dagaal ku galay, iyagoo sheegay inay sidoo kale Wasaarad Dibadeedka Argentina waydiiyeen in qiyamka diblomaasiyadeed ee Amiirku uu hor istaagayo in tillaabo sharci ah la qaado si loo tuso inaan qofna sharciga ka sarraynin, sida uu ka xigtey The Independent.


Hadalsame Media