(Jigjiga) 28 Nof 2018 – Madaxwaynaha Gobolka Soomaalida haatan hoos taga nidaamka Itoobiya Md Mustafe Cagjar ayaa talo wax ku ool ah siiyay saxaafadda oo uu kala hadlay arrin aad muhim u ah.
Wuxuu sheegay inaysan dhegeysan kuwa madaxda amaanta kala dul dhaca ee si ka badbadis ah u amaana, isagoo sheegay inay arrintaasi uga darto madaxda oo amaanta badan isku mahadisa kaddibna ay ku adkaato inay dhaliisha dhegeysato ama ay si waaqici ah u fikirto, kaddib marka ay ku lumaan amaanta faraha badan ee ay u ban baxayaan.
Wuxuu Md Cagjar sheegay in madaxdu ay wax ka dhegeystaan dhowr qof oo iyaga ku hareeraysan oo u sheega wixii ay jecel yihiin inay maqlaan, taasina ay keento inay ku noolaadaan caalam kale (parallel universe), kaddibna ay ku noolaadaan khiyaali ah inay yihiin dad aad u wanaagsan.
Md Cagjar ayaa noqday siyaasigii ugu horreeyay ee ku dhiirada ka hadalka moowduucan oo fara ba’an ku haya umadda Soomaaliyeed adigoo meelaha qaar ku arkaya madax loogu yeerayo ”aabbe ama hooyo” taasoo xitaa kasoo horjeeda diinta Islaamka.
Halkan hoose ka daawo…
Hadalsame Media