Cudur Khatartiisa leh oo Soomaalidu aysan ku baraarugsanayn! Maxaa loo baahan yahay?

0

(Muqdisho) 28 Nof 2018 – Horraantii bishan November waxaa la xiray xarun caafimaad oo ku tiilay magaalada Muqdisho, oo ay daawo lacag la’aan ah ka qaadanayeen ilaa 280 qof oo qaba cudurka HIV/AIDS.

Waxaa kaloo xusid mudan in Muqdisho keliya ay ka furan yihiin ilaa 16 xarun caafimaad oo dadka qaba ADISka ay ka qaataan daawo lacag la’aan ah. sidoo kale waxaa jira Isbitaalo waawayn oo dadka cudurkaas la nool ay sidaas oo kale ay daawo lacag la’aan ah ka qaataan.


Halkaas markii aan joogno maxaa kuu muuqday?

16 xarun oo ugu yaraan 200 qof daawo ka qaataan: 16 X 200 = 3,200:  Ku dar inta aan tiradooda la hayn ee isbitaallada daawada ka qaata. Ku dar inta qabta ee aan tegin goobaha caafimaad. Ku dar inta qabta ee aan iska warqabin, sow tiro aad u badan maaha?

Ku darsoo aysan jirin SIYAASAD QARAN oo aafadaan sii kordhaysa looga hortagayo iyadoona sidoo kale aysan jirin wax wacyigelin ah oo ku saabsan cudurkaan!!!

Ma is leedahay arrintaani waa khatar u baahan in aan ku baraarugno dowlad iyo shacabba?

3 casho ka dib (1da Dideembar) dunida oo dhan waxaa laga xusayaa maalinta AIDSka Adduunka. Way habboonaan lahayd inaan shacab ahaan helno xogta rasmiga ah ee cudurkan ee dalkeena, haddiiba la haayo (Wasaaradda Caafimaadka ama hay’adaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya arrimaha la xiriira cudurkan).

W/Q: -Abdulahi Black

Hadalsame Media