AC Milan oo qarka u saaran Diego Godin & Fabregas (Wadahadallo socda)

0

(Milano) 28 Nof 2018 – AC Milan ayaa sida lasoo werinayo waxay wada xaajood muddo socdey kula jirtaa kooxda Chelsea oo ay ka doonayso Cesc Fabregas ‘maalmaha yar ee soo aaddan’ iyadoo ka faa’iidaysanaysa xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada naadi.

Sida ku qoran Sport iyo Corriere dello Sport, waxaa dhacaya kulan ay kasii horreeyeen wada sheekaysiyo badan oo dhanka telefoonka ah, iyadoo ay Milan doonayso inay laacibka keento bisha Jannaayo, jeer uu isna doonayo ‘inuu markale isku muujiyo Serie A’ maaddaama uu u muuqdo nin ka dhacsan qorshaha ciyaareed ee Maurizio Sarri.

Dhanka kale, AC Milan ayaa sidoo kale la sheegay inay heshiis afka ah la gaartey daafaca waaya aragga ah ee Diego Godin oo ay laba sano iyo bar kula heshiisey 4m oo euro, yeelkeede, waxaa dhiman heshiis ay la gaarto Atletico Madrid, iyadoo diyaar la ah lacag yar oo khidmad ah maadaama uu qandaraaska laacibku dhacayo bisha Juun.

Hadalsame Media