SAWIRRO: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya oo soo dhaweyn heer sare ah u sameeyay Madaxwayne Farmaajo

0

(Niarobi) 27 Nof 2018 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya waxana Madaxwayne Farmaajo uga warbixiyay xaaladaha uu dalku ku suganyahay xiligan , horumarka ay ku tallaabsatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Jaaliyadda uga warbixiyay isbadallada ka jira Geeska Afrika iyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan uga qeyb qaadan lahaayeen Barnaamijka Is-xilqaan ee ay Dowladdu dib ugu dhisayso xarumaha danta guud.

Kulanka uu Madaxweynaha la qaatay Jaaliyadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya, siyaasiyiin iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi kaga qeyb-galay shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha ee ka socda halkaasi.

Hadalsame Media