(Muqdisho) 27 Nof 2018 – Wafdi balaaran oo ka socda dowladda dhexe Soomaaliya islamarkaana uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wafdi ka socda golaha amniga iyo nabada ee Midowga Afrika ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan Magaaladda Beledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wafdiga waxaa ka mid ah safiirka dowlada Jabuuti u fadhiya Itoobiya Mohamed Idris iyo xubno sare oo ka badan 27 sida ay warar hoose sheegayaan.
Wafdiga ka socda golaha amniga iyo nabada ee Midowga Afrika ayaa shalay soo gaaray Magaaladda Muqdisho waxayna kulamo la qaateen madaxda sare ee dowladda Soomaaliya gaar ahaan RW Kheyre.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo hadda ku sugan Beledwayne ayaa la filayaa in kulamo uu la qaato wafdiga uu hoggaaminayo RW Soomaaliya waxana aad loo adkeeyay amaanka wadooyinka Magaalada Beledwayne.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayr ayaa shalay guddoomiyay shir looga hadlayay dib-u-habaynta qorshayaasha amniga dalka iyo ku hoos shaqeynta tubta amniga iyo caddaaladda ee xukuumaddu u qorsheysay in dalka xasillooni lagula soo dabbaalo.
Hadalsame Media