(Rio de Janeiro) 27 Nof 2018– Laacibka reer Brazil ee Lucas Paquetà, oo horraanta bisha soo aaddan ee Diseembar lagu wado inuu kusoo biiro kooxda Rossoneri, ayaa iminka aqal galay.
Paquetà ayaa ku faraq xirtey mucaashaqaddiisa Maria Eduarda Fournier, taasoo ah tillaabadii ugu dambaysay ee uu qaadayo kahor inta aanu usoo wareegin qaaradda cajuusada ah ee Yurub.
Laacibkan oo dhashay 97-kii ayaa bartiisa Instagram kusoo qoray erayo uu ku xusayo guurkiisa iyo sida ay uga go’an tahay inuu xafido xiriirkaa cusub: “Marka ay duufaani timaaddo oo ay doonteennu ciirciirto waxaan isku deyi doonnaa inaan dejinno, waxaana sii wadan doonnaa safarkeenna annagoo wadajirna, si aannu u tiigsanno nolosheenna aan kala go’a lahayn iyo ka fogba! Waan ku jeclahay nolosheeyda“.
(Hadalsame) 09 Maarso 2025 - Calooleyda ayaa inta badan la jar jaraa, waxay dadka inta badan isticmaalaan midda ariga iyo idaha.
Bulshooyinka qaar ee adduunka...
(Hadalsame) 01 Dis 2023 – Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Henry Kissinger, oo kaalin mug leh ku lahaa siyaasadda arrimaha dibadda xilligii...