(London) 27 Nof 2018 – In ka badan qarni kaddib markii ay askarta British-ku ay soo bililiqaysteen hanti taariikhi ah oo ay lahayd Boqortooyadii Benin, qaar ka mid ah agab naxaas ah ayaa la gaynayaa Nigeria.
Kaddib markii ay heshiis la gaareen ururka Benin Dialogue Group (BDG) ayaa qaar ka mid ah “walxahan taariikhiyan muhimka ah” si KMG ah loo gaynayaa mataxafka Benin Royal Museum oo ku yaalla gobolka Edo State – oo xilligaa ka tirsanaa Boqortooyadii Benin – kaasoo haysanaya muddo 3 sanadood ah.
In ka badan 1,000 sheey oo ka mid ah agabyadaas naxaasta ka samaysan oo Benin laga soo dhacay ayaa lagu hayaa magaalooyin Yurub ku firirsan, kuwa ugu badanise waxay yaallaan matxafka caanka ah ee British Museum in London.
Faransiiska ayaa ka mid ah dalalka aad usoo bililiqaystay hantida, raadadka iyo taariikhda Afrika balse weli diiddan inuu gorgortan galo, isagoo haysta ilaa 130,000 oo sheey.
Dowladda Nigeria ayaa muddo 58 sanadood ah codsanaysay in alaabooyinkaa dib loosoo celiyo tan markii ay xornimada qaadatay 1960-kii.

Hadalsame Media