Aqalka Sare oo sheegay in la dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyay dowladd dhexe iyo maamullada

0

(Muqdisho) 27 Nof 2018 – Guddiga Aqalka Sare u xil saaray dhex dhexaadinta Dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyadda ayaa Ku dhawaaqay in la dhameeyay Khilaafkii u dhaxeeyay Dowladda dhexe Iyo Maamullada xubnaha ka ah.

Guddoomiyaha guddigaasi Sanator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta Warbaahinta u sheegay in dadaal badan kadib xal laga gaaray khilaafkii taagnaa ee dowladda dhexe iyo maamullada wuxuuna sheegay in arintaan ay ku timid dadaal ay sameeyeen golaha Aqalka Sare.

Mr. Faroole ayaa daaha ka rogay in Aqalka Sare ay maalmihii lasoo dhaafay wadeen dadaallo ku aadan in Aqalka Sare uu qaato doorkiisa ku aadan dhameynta Khilaafka dowladda dhexe iyo Maamullada.

Sida uu sheegay Mr. Faroole dhawaan ayaa lagu waddaa in uu dhaco kulan u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamullada markaas oo la filayo in dhinacyadaani shaaciyaan in la dhameeyey khilaafkii jiray.

Dowladda dhexe ayaa horey ugu guulaysatay inay kala daadiso golihii iskaashiga maamullada taasoo loo maleynayo inay sahashay in khilaafka ugu dambeyntii wadahadal lagu dhameeyo.

Hadalsame Media