
(Milano) 26 Nof 2018 – Javier Zanetti ayaa xaqiijiyay in Beppe Marotta uu kusoo biirayo maamulka kooxdaasi, tiiyoo aysan Inter weli si rasmi ah ugu dhawaaqin imaanshaha sarkaalkii hore ee Juve dhisay kaddib Calciopolli.
“Waxaan ka hadlaynaa maareeye khibrad iyo aqoon ballaaran leh, kaasoo kusoo biiri doona maamul fuliyayaal ah oo naga caawin doona inaan korno,” ayuu madaxwayne xigeenka Inter u sheegay Sky Sport Italia.
“Suning? Waxaan dhowaan milkiilayaasha kula kulmay China: waxay Inter ka leeyihiin hami wayn, balse waa inaan kornaa oo aynaan halkan istaagin, oo aan fulinnaa mashaariic badan.” ayuu daba dhigay.
Hadalsame Media