(Muqdisho) 24 Nof 2018 – Safaaradda Soomaaliya ee ku taala dalka Bakistaan ayaa kulan balaaran la yeelatay ganacsatada dalkaasi waxaana y ku dhiiragalisay inay yimaadaan Soomaaliya oo hadda ay ka jirto fursado wax ku ool ah islamarkaana aad loogu baahan yahay.
Cabdifitaah Cabdulqadir Cusmaan oo ka mid ah wakiillada sar sare ee safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Bakistan ayaa casuumaad rasmi ah u sameeyay boqolaal ka tirsan ganacsatada dalkaasi qeybahooda kala duwan.
Waxaa uu sheegay in dhamaan ganacstada Bakistaan ee doonaya inay maalgashadaan Soomaaliya albaabadu u furan yihiin gaar ahaan dhanka dhaqaalaha iyo ganacsiga.
Ganacsatada Bakistaan ayuu ku dhiiragaliyay inay xariir wadashaqeyn la sameeyaan ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Daawada iyo guud ahaan qeybaha kale ee ganacsi ee Soomaaliya ka jira.
Ka qaybgalayaasha u dhashay Bakistaan ayaa aad u soo dhaweeyay casuummada ay Soomaaliya u fidisay waxayna balan qaadeen inay billaabi doonaan qorshayaasha loo baahan yahay ee ay ku maalgashan karaan gudaha Soomaaliya
Kulankaan oo ahaa mid balaaran waxaa kale oo ka qaybgalay dallada ganacsiga Bakistaan, Lahore Chamber of Commerce and Industry (LCCI), gaar ahaan waxaa matalayay madaxwayne ku xigeenka rugta ganacsiga Bakistaan ninka lagu magacaabo Fahimur Rehman Saigal.
Bakistaan waxay ka mid tahay dalalka Taariikh ahaan Soomaaliya aad xiriirka sokeeye ula leh.
Hadalsame Media