SAWIRRO: Koonfur Afrika oo noqotay KAWAANKA Soomaalida iyo dilkii ugu dambeeyay oo xalay dhacay (Faahfaahin)

0

(Cape Town) 24 Nof 2018 – Wararka laga helayo wadanka Koofur Afrika ayaa sheegaya in xalay lagu dilay halkaasi muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku Ganacsata dalkaasi.

Dilkaan ayaa sida la sheegay ka dhacay Xaafadda Hanover Park oo ka tirsan Magaalada Cape Town waxaana Muwaadinka soomaaliyeed ee la dilay Magaciisa lagu sheegay Hilaal Xersi Jaamac.

Soomaalida ku ganacsatada Magaaladda dilku ka dhacay ayaa walaac ka muujiyay falkaani naxdinta leh kadib markii marxuunka la qaarajiyay loogu dhexgalay goobtiisa ganacsiga.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada Booliska dalkaasi ay sameeyeen baaritaano ay ku baacsanayaan burcaddii falkaani ka dambeysay, hase ahaatee waxaa lagu eedeeyay Booliska dalakasi inaysan xil iska saarin tacadiyada iyo beegsiga ka dhanka ah muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dalka Koonfur Afrika waxaa uu ka mid yahay wadamada ugu badan ay ku nool yihiin ganacsatada Soomaaliyeed hase ahaatee waxa ay la kulmaan dil iyo dhac joogta ah.

Hadalsame Media