(Muqdisho) 24 Nof 2018 – Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada millatariga Soomaliland islamarkaana dhawaan ciidamo badan kala gaystay Maamulkaasi ayaa billaabay qorshe abaabulan dagaal oo ka dhan ah Soomaliland sida isaguba uu sheegtay.
Maalmo kahor ayay ahayd markii sarkaalkani uu weeraray deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag.
Korneel Saciid Cawil Jaamac oo loo yaqaano Caare ayaa weerarka uu ku qaaday Ceel-Afwweyn waxaa uu yimid iyadoo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Soomaliland.
Waxaa uu sheegay in hadda uu weerari doono Magaalada Hargeysa islamarkaana uu ka shaqeynayo qorshihii uu ku weerari lahaa. Somaliland ayaa sheegtay in Korneyl Caare abuuray qalqal amni ismarkaana ay ka hortagi doonto, hase ahatee waxaa cabsi badan laga qabaa haddii Korneylka baxsadka ah uu deegaanka ka abuuro Jabhad cusub oo hubeysan.
Lama oga sababta ka dambeysa gadoodka Sarkaalkan, waxaase la sheegayaa inuu ka mid ah yahay qaar ka mid ah saraakiisha millitariga ee aamisan Soomaaliweyn kana soo horjeeda gooni goosadka Somaliland.
Hadalsame Media