Nin gabar ay macriifo yihiin daba dhigtay 12 sano oo la qabtay! + Sawirro (Maxay ka bi’isay?)

0

(Los Altos) 24 Nof 2018 – Nin ku nool gobolka California ayaa Xabsiga la dhigay kaddib markii uu haweenay daba socdey muddo 12 sano ah, isagoo kaliya ku maagay inay ku tiri afkaaga dabool ama iga du marka aad qufacayso, jeer ay dugsi sare wada dhiganayeen.

Matthew Cringle, oo 29-jir ah kuna nool Los Altos, ayaa lagu eedeeyay inuu samaystay bogag badan oo Facebook ah kuwaasoo uu muddo sanado ah uga soo dirayay sawirro qaawan iyo farriimo hanjabaado ah.

Cringle, oo horay xitaa loogu helay dembi ku saabsan inuu daba dhigtay isla haweenaydan, ayaa haatan markale lagu xirey xabsiga Santa Clara.

‘Waxaan aragnay farriimo badan oo ka kala imanayay dad ”kala nooc ah”, balse geddigood isku mid bay ahaayeen, mana aha inay gabadha miskiinta ihi cabsidaa ku noolaato,’ ayay tiri Katie Nelson, afhayeennadda Waaxda Booliiska Mountain View.

Xasbiga Santa Clara ee ninka lagu xirey

Hadalsame Media