LABA DARAN MID SII DARAN: Dowlad khalad badan & mucaarad daniiste ah!

0

(Hadalsame) 24 Nof 2018 – Waxaa jirta mahmaah Ingiriisi ah oo tiraahda ”I am between the devil and the deep blue sea”, devil markan waxaa loola jeedaa usha dheer ee isku xirta doonida iyo shiraacii la adeegsan jirey waayihii hore.

Haddaba bad mool iyo mugdi kulansatay waxaa yara dhaanta inaad walba iska saarnaato dooni shiraac wado oo ay dabayshu marba dhinac u jiidayso, adigoo ay kaa dhaadhacsan tahay inay ka yara roon tahay badda mugdiga ah ee bahalba ku liqi karo, xitaa haddaadan hubin meel ay kugula xiran doonto ama inay gaddoomiba karto doonida jahawareersan ee aad saaran tahay.

Hadda xaalka dowladdu waa doontaas, mucaaradkuna waa baddaa mugdiga ee duufaanaysan. Dowladduna khalad kama baxdo iyo inay ka talo qaadato dad doonaya inay gudaha ka qurmiyaan, mucaaradkuna mas’uuliyad, xeerin iyo dan umadeed ma dhowrayaane tooda unbay eegtaan iyagoo si toos ah ula dagaallama maslaxada umadda ay doonayaan inay xukumaan.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

AFEEF: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media