(Muqdisho) 24 Nof 2018 – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Bayle ayaa goor dhow ka hadlay warbixin maalmahan wareegaysay baraha bulshada oo lagu sheegayay in la lunsaday lacago 40m ka badan oo sida la yiri la is dhaaf dhaafiyay.
Sida ay sheegtay Nasro Bashiir oo ka mid ah warbaahinta dowladda oo goobta joogta, Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Bayle, oo goobta xitaa tix gabay ah mariyay ayaa ku dhaartay in aysan dhici doonin in hantida qaranka lagu takri falo, sida ay tiri.
“Waxaa laygu haystaa mashruuc gaar ah ii fuli, taas ayaana keentay in la qoro Warbixintaan been abuurka ah ee siyaasadeysan.” ayay tiri Nasro oo soo xiganaysa Wasiirka.
”Waxaa jira dad aaminsan in 2+2 ay 3 tahay, waana khalad, waxaa lasoo gudbiyay warqad dhaleecayn ah oo dhabarka ka jebinaysa shacabka Soomaaliyeed. Waxaan dadaal u galnay inaan bixinno mushaaraadka, lagana gudbo qaamaha nalaku leeyahay waxaana ku shaqaynaa hannaan caalami ah oo 14 qodob nalaku xirey.” ayuu raaciyay Dr Bayle oo ka jawaabayay eedaymaha loo jeediyay, isagoo sheegay in ujeedka warbixintani ahayd sidii dalka dib loogu celin lahaa oo aanu uga soo bixi lahayn gunta ceelka.
Wixii dheeraad ah la soco goow dhow…
Hadalsame Media