(London) 24 Nof 2018 – Booliiska Britain ee Scotland Yard ayaa bilaabay in ay gawaarida ku dhuftaan mootooyin tuugo wadato oo nafta u keenay magaalada London.
Taatikadan cusub ayay Scotland Yard doonayaan inay kula ”tacaalaan” tuugadan oo ay wacad ku mareen inay beegsan doonaan fursad kasta oo ay ku arkaan, xitaa marka ay naftoodu halis ku jirto ama aysan koofiyad xirnayn.
Halkan ka daawo mootooyinka oo wax dafaya/dhacaya..
Booliiska ayaa sidaa ku bedelaya aragtidii ahayd in haddii ay koofiyadaha iska siibaan ama ay istaagi waayaan laga haro oo ay sidaa ku baxsadaan, waloow ay dadka qaar ku doodayaan inay arrintani halis gelin karto dadka jidka maraya ee caadiga ah.
Muuqaal uu faafiyay booliiska London ee Metropolitan Police ayaa muujinaya booliiska oo gaariga ku dhuftay mooto wax soo daftay, iyagoo sheegay inay adeegsanayaan darawallo si gaar ah loogu tababaray howlgalkan oo la yiraahdo Operation Venice si wax looga qabto dembiyadan sii kordhaya.
Hadalsame Media