(Manama) 24 Nof 2018 – Jeer uu Maraykanku ka baaraandegayo cid uu ka hor geeyo wax uu ku sheegayo halista Iiraan si uu u qanciyo dowladda Yuhuudda ee uu Bariga Dhexe ku ilaaliyo, wuxuu u muuqdaa mid xal u helaya arrintaa isagoo boqortooyinka kali taliska ah ee Khaliijka ku abuuray aragti ah inay samaystaan isbahaysi Iiraan la dirir ah, kaasoo loogu yeerey Carab NATO.
Sida ku xusan war uu faafiyay Defense News, Carab NATO waa isbahaysi ka kooban dalalka Khaliijka sida Saudi Arabia, United Arab Emirates, Kuwait, Bahrain, Oman, Qatar, oo lagu kabay Egypt iyo Jordan.Taliska Guud ee Ciidamada Cirka Baxrayn (Royal Bahraini Air Force), Sarreeye Guud al-Khalifah, ayaa sheegay in arrintani tahay hindise Maraykan, “balse aysan weli qaab yeelanin, balse uu filayo inuu isbahaysigaasi guulaysto.” “Weli marxaladdii bilowga ayaan maraynaa.” ayuu yiri.
Bishii Oktoobar ee tagtay, Wasiir Dibadeedka Bahrain ayaa sheegay in samaynta ciidamadaasi lagu dhaqaaqi doono sanadka soo aaddan, iyadoo durba arrintan qayb ahaan lagu tijaabiyay dalka Yaman oo ay dalalkani ku goobteen.
Arrintan oo ka dhigan in cududdii iyo coodkii Carbeed loo adeegsanayo in lagu dumiyo dalal kale oo ama Muslim am ama xitaa Carab ah, si loogu daneeyo Israel ayaa u muuqata mid wax u dhimi doonta deganaanta, sumcadda, amaanka, niyadda & sharciyadda dalalkaasi.
Hadalsame Media