SAWIRRO: Waxaa la qarxiyay iyagoo dhegeysanaya Qur’aanka Kariimka ah oo xusuusanaya Nabi Muxamed NNKH + Dad badan oo ku dhintay (Muuqaal toos ah)

0

(Kaabuul) 22 Nof 2018 – Waxaa soo baxay muuqaal lasoo dhigay YouTube isla daqiiqaddii la qarxiyay meel lagu qabanayay munaasabad lagu xusayay dhalashada Nabi Muxamed NNKH oo lagu qabtay magaalada Kaabuul ee caasimadda Afghan-ka.

Waxaa goobta oo ciriiri ahayd markiiba ku xijaabtey 50 qof 60 ka badanina way dhaawacmeen, waxaana la maqlayaa dadka oo si deggan u fadhiya oo dhegeysanaya aayado Qur’aan ah oo meesha ka shidnaa iyadoo ay goobta dadka joogey u badnaayeen dadka mutacallimiin ah oo diinta barta.

Qaacada la qarxiyay ayaa ku taalla jidka garoonka ee bartamaha magaalada, waana waxayna dadkii badbaadey aad u cambaareeyeen in qof dhiiggiisa loo banneeysto inuu xuso Nabi Muxamed NNKH.

Hadalsame Media