”Ibrahimovic wuxuu kordhinayaa tayada Horyaalka Talyaaniga!” – Galliani oo ka hadlay kusoo noqoshada Ibra ee Milan

0

(Milano) 22 Nof 2018 – Agaasimihii hore ee AC Milan, Adriano Galliani, ayaa rumaysan in soo noqoshada la sheegayo ee Zlatan Ibrahimovic ay sare u dhigeeysa tayada iyo heerka Horyaalka Talyaaniga.

Waxaa maanta soo baxay war sheegaya in jookarka LA Galaxy uu aqbalay heshiis 6 bilood ah oo uu kusoo noqonayo safka Rossoneri, oo uu Paris Saint-Germain isagoo caga jiid ah ka aadey 2012-kii.

“Waxaan rumaysnahay in xiddig kasta uu kordhiyo heerka horyaalka. Cristiano Ronaldo wuxuu u roonaa horyaalka Talyaaniga, Ibrana waa la mid,” ayuu yiri Galliani, oo ah ninka Ibrahimovic ugu eedaysan inuu iibiyay isagoon ogolayn, mar uu la hadlay Rai Radio.

“Xiddig kasta oo heerkaa jooga haddii uu Talyaaniga yimaado waxaa sare u kacaya qiimaha Horyaalka, balse waxaan ballan qaaday inaanan ka hadlin arrimaha Milan, waloow aan taageere waalan u ahay.” ayuu daba dhigay Galliani oo sheegay inuu xusuus wanaagsan ku leeyahay Ibra oo Milan u qaaday horyaal iyo Supercoppa Italiana.

Hadalsame Media