(Garoowe) 22 Nof 2018 – Puntland waxay wajahaysa Doorashada Madaxweynaha bilowga Bisha Janaayo 2019 oo maalmo Kooban ka harsan yihiin. Waxaa Isi soo taraya oo waliba tiro ahaan aad u badan Musharaxiinta u Loolamaysa Hanashada Kursiga Madaxweynaha iyo Hogaaminta 5-ta Sanno ee Soo Socota.
Waxaa Musharax kastaa Media Ka sheegaa inuu Waxbadan oo uu Halbeeg uga dhigayo tabashooynka Bulshada Reer Puntland ka dhex guuxaya uu Qaban doono uuna balan qaada Haddii uu guulaysto.
Inkasta oo balanqaadyada Musharaxiinta horay loo soo arkay oo aysan waxba uga hirgalin balan-qaadyo badan oo ay bulshada ka hor sameeyeen Musharaxiintii Xilalku ka dhammaadeen ee xukuumadihii horay Puntland usoo Qabtay Hogaankooda.
Marka laga yimaado in ay balan-qaadyo samaynayaan Musharaxiintu oo Isugu jira kuwo Daljoog Puntland kasoo shaqeeyay iyo kuwo xiliga doorashada isku soo beega maxay tahay sababta loo la’yahay in la sameeyo La xisaabtamin Fagaarayaal shacabku kula kulmaan musharaxiinta u Loolamaysa inay Masiirkooda Hogaanshaan oo ay iskula gorfayn la,yihiin waxyaabaha uu musharax kasta rabo iyo wixii uu horay ugu soo qabtay Bulshada Reer Puntland.
Maxay tahay Sababta Dadka reer Puntland ka hortaagan inay qaymeeyaan Qofka doonaya inuu maamulo Masiirkoodana ku aaminaan?
Waxaa Jira oo aan indhaha laga qarsan karin ayaa ah in Musharax kastaahi ku xisaabtamayo IIbsashada 66 Xumnood ee Matalaya Shacuubta reer Puntland oo ah Baarlamaanka.
Waxaana fagaarayaasha bulshadu ku kulanto lagu falaanqeeya Markaad Xuuraamiso in Laga hadlayo Musharax hebal Imisa Xildhibaan ayuu haysta, Taas oo ku tusinaysa in gor gortan lacageed jiro oo uu ay musharaxiintu u balan qaadayaan xildhibaanada.
Waxaana tan si dhaw iyo si fogba u og bulshada reer puntland ee ayga Baarlamaanka laga soo dhex xulay oo aan marna baarlamaanka cod dheer iyo mid gaaban toona ugaga digin inay Masiirka umadeed ku badashaan xooga laaluush ah, inkasta oo ay xaqiiq tahay in bulshadu aysan Wax Aragti ah ku lahayn Xildhibaanka matalaya oo odayaal si hoose usoo xusheen.
waana Sababta loo la yahay baarlamaan sameeya la xisaabtan dhab ah oo ay bulshada u horkeeni la,yihiin oo ay uga dhagaysan la,yihiin Musharaxiinta Sida ay rabaan in ay wax ku hogaamiyaan iyo Uruurinta Aragtida Musharaxa Lagu Aamini doono Puntland Dal.deegaan. iyo Dad intaba Hogaamintiisa.
Hadaba waxa is waydiin mudan goorma ayay Puntland gaari doonta Garashada la xisaabtanka dhabta ah ee Musharaxa na hogaamin doona Dadweynaha laftooda se maxay tahay sababta ay Uga hadli la,yihiin in lala xisaabtamo dadka masiirkooda hagi doona 20 sanno kadib
Waxaa Qortay: Khadra Deggan Maxamed Xassan
AFEEF: Qoraal kasta wuxuu xambaarsan yahay ra’yiga qoraaga ku saxiixan
Hadalsame Media