(Washington, DC) 22 Nof 2018 – Trump ayaa Sacuudiga uga mahadceliyey sida ay u fuliyeeen dalabkiisa la xirriira fuliyeen qiimo dhimi lugu sameeyo shidaalka, oo Sacuudiga horey u sheegay iney kor u qaadayaan haddii arrimaha Khashoggi lugu cuna qabateeyo.
Trump ayaa sidoo kale qoraal uu ku qoray bartiisa Twitter-ka, ku sheegay in wax kasta oo dhaca uu dalkiisa yahay kan mudnaanta koowaad leh oo danahooda ka hormarinayaan.
Tani ayay warbaahinta Maraykanku ku micnaysay in uusan ahmiyad buuran siineyn arrimaha la xirriira dilka Jamaal Khashoggi.
Yeelkeede, hay’adda Maraykanka ugu qaybsan Sirdoonka Dibedda ee CIA ayaa wacad ku martay inaysan kiiskan ka hari doonin, iyadoo durba farta si toos ah ugu goddey Maxamed Bin Salmaan, taasoo ay xitaa ka warwareegayeen Turkiga oo ah dalka shidaya sheekada oo dhan oo weliba sheegay inay hayaan cajalad kale oo midda hore kasii daran.
Hadalsame Media