
(Nairobi) 22 Nof 2018 – Madaxwaynaha Kenya ee Ahuru Kenyata ayaa gaashaanka u dhigay qorshe dalkiisa lagu siin lahaa amaah gaaraysa 3.1 Bilyan oo doollar, iyagoo sidaa iskaga soo qabtay af libaax.
Taajir Chinese ah oo tarilyaneer ah, oo la yiraahdo Xeng Yang ayaa sheegay inuu la diyaar yahay mashruuc ku kacaya balaayiin doollar oo uu kula wareegayo caasimadda Kenya ee Nairobi muddo aan ka badnayn 5 sanadood.
Md Xeng ayaa usoo bandhigay madaxda Kenya inuu doonayo inuu mudadaa magaalada u rogo magaalo casri ah oo elektaroonig ku shaqeeysa, isagoo dowladda ka baryay inay dalabkiisa aqbasho maadaama ay labada dhinacba ka faa’iidaysan karaan barnaamijka sida uu yiri.
Dowladda Kenya oo ka mid ah dalal badan oo Afrikaan ah oo la ciirciiraya qaamaha Shiinaha ayaa isku difaacdey inay haatanba bixin la’dahay qaamihii hore oo aysan qaadi karin qaar cusub oo qara wayn.
Waxay kale oo Kenya ku doodday in Nairobi ay tahay caasimadda dal dhan sidaa darteed aan maaraynteeda laga iibin karin qof gaar ah, iyadoo uu madaxwayne xigeenka William Ruto uu maalgeliyeyaasha Chinese-ka uga digey inaysan ka faa’iidaysan tabaalada haysata qaaradda Afrika.
Isha: African Stand
Hadalsame Media