(New York) 22 Nof 2018 – Ilhaan Cumar ayaa 7-dii bishan noqotay gabadhii ugu horreeysey ee Muslim ah ee gasha Aqalka Wakiillada Koongarayska Maraykanka, iyadoo sidaa taariikh cusub ku dhigtay.
Ilhaan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Liberaalka ah ee Dimoqraadiga ayaa dabcan kasoo jeedda Somalia, sidaa darteed waxay ka mid tahay dadka bartilmaameedka gaarka ah u ah madaxwayne Trump.
Mar uu waraysanayay Weriyaha Koonfur Afrikaanka ah ee Trevor Noah ayay ka jawaabtey sida ay su’aashaa u aragto; ”Waxaan ahay rajada Maraykanka iyo calwasaadka madaxwaynaha.” ayay tiri Ilhaan Cumar oo sheegtay in Ameerika ay asal ahaan dad lahaayeen balse kuwa iminka sheeganaya iyo kuwa laga sheeganayo ay soo galooto wada yihiin sidaa darteedna ay is kaashadaan.
Waxay sheegtay inay dhowr mar oo hore hollisey inay Trump ku marti qaaddo guriga qoyskeeda maadaama uu neceb yahay Soomaalida iyo dadka kale ee laga tirada badan yahay si ay u tusto dhaqankeeda iyo kan bulshadeeda iyadoo usoo jeedisey inuu ugu yaraan cabo shaaha Soomaalida.
Hadalsame Media