(Muqdisho) 22 Nof 2018 – Waxaa soo baxday silsilad u abaabulan si qarxoodi ah oo dhallinyaro Soomaaliyeed ka gura gobollada Soomaalida oo idil. Dhallinyaradaa ayaa deeto la geeyaa dalka Qadar.
Dhallinyaro kasoo goosatay barnaamijkaas oo ay waraysatay idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa ka sheekaynaya sida ay wax u dheceen.
Dhallinyaradan ayaa ku doodaya in markii hore lagu qaaday in loo diyaarinayo shaqooyin ay ku qaadanayaan lacag badan, balse markii dambe loo sheegay in ay saxiixaan qandaraas 3 sano ah oo ay Qadar ugu ciidmayaan iyagoo qaadanaya lacag yar oo dhan 800 oo doollar.
Arrintan ayaa muujinaysa halista ay dhallinyaradani halista ugu jiraan waayo wixii la doono ayaa lagu samayn karaa sidii la doono ayaana loo isticmaali karaa sida calooshood u shaqaystanimo iyo in xitaa nafahooda halis la geliyo ama la laayo, haddii ay u gacan galaan awoodo kale.
Dhallinyaradan ayaysan jirin cid lagula heshiiyay oo ay sheegeen in ay mas’uul ka ahayd marka laga reebo in lasoo ururiyo kaddibna tababarro looga furo xeryo ciidan oo ku yaalla dalkaasi Qadar.
Halkan hoose ka daawo…
Hadalsame Media