(Hargaysa) 22 Nof 2018 – Guddoonka Xisbiga Ucid ee Faysal Cali Waraabe, ayaa aad u dhaliilay hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixe Cabdi, kaasoo uu ku joojiyay wada hadaladii kala dhaxeeyay Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.
Faysal Cali Waraabe, ayaa hoosta ka xarriiqay in sida uu yiri aan dalka lagu wadi karin caadifad marka laga hadlayo wax uu ku tibaaxay ”arrimaha masiiriga ah ee Somaliland”, kuwaasoo uu sheegay in aanu kaligii iska joojin karin.
Faysal oo xeerin muujinaya ayaa dhanka kale soo dhoweeyay booqashada uu Muuse ku marayo gobollada Togdheer iyo Sanaag.
Halkan hoose ka daawo hadalka Faysal…
Hadalsame Media