(Uttar Pradesh) 22 Nof 2018 – Halyeeyga Bollywood ee Amitabh Bachchan oo ay Soomaalidu ku naanaysto Cali Dheere ayaa dad beeraleey ah ka bixiyay lacag dhan $560,000 oo ah dayn lagu lahaa, jeer lagu jiro xasarad dhanka qaamaha beeraleeyda ah oo dad badan ku khasbay inay faqriyaan.
Jilaagan wayn ayaa balooggiisa soo dhigay xog uu ku sheegayo inuu qaan tiray dad gaaraya 1,398 oo beeraleey ah oo ku dhaqan gobolka dhaca woqooyiga dalkaasi ee Uttar Pradesh, oo ah halka uu ku dhashay Bachchan.
“Mahadddu waxay u janjeertaa dhanka damaca in culayska laga qaado beeraleey la silicsan culayskaa…iyadoo xasillooni nafeed laga helayo qabashada arrintaas,” ayuu soo qoray Bachchan oo falkiisa soo dhoweeyeen dadwaynuhu.
In ka badan 50% ka tirsan dadyoowga Hindiya ayaa ka shaqeeya beeraha iyo wixii la xiriira, oo wax soo saarka guud ee maxalliga ah ee dalkaa ka qaata qaaraan dhan 18%.
Hadalsame Media