”Afrika waa qabri….Sidee QABRI wax looga qabtaa?!” – Putin oo ”cashar” u dhigay dadyoowga Afrika!

0

(Moscow) 22 Nof 2018 – Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa markale cashar u dhigay madaxda iyo taajirka Afrika, iyadoo uu soo baxay war la sheegayo in isaga laga soo xigtey oo uu ku sheegayo in Afrika ay tahay qabriga dadkeeda.

Sida ku qoran xigasho dhex xuleeysa baraha bulshada, wuxuu Putin su’aal geliyay sida ay u fikiraan dadka ka dhex muuqda bulshada Afrika isagoo yiri:

“Markii uu Afrikaanku hodon noqdo, koonto xisaabeedkiisu waxay ka furan tahay Switzerland. Wuxuu dawada u raadsadaa France.

Wuxuu maalgashadaa Germany. Wuxuu wax ka iibsadaa Dubai. Wuxuu adeegsadaa badeecooyin Chinese ah. Wuxuu ku cibaadaystaa Roma ama Maka. Carruurtiisu waxay wax ka bartaan Yurub. Wuxuu u dalxiisaa Canada, Maraykanka iyo Yurub.

Marka uu dhinto, waxaa lagu aasayaa dalkii uu ku dhashay ee Afrika. Afrika waa uun qabriga Afrikaanka. Sidee qabri loo hormariyaa?

Warkan lama hubo inuu Putin yiri, iyadoo weliba marar hore la arkay war isla micnahan xambaarsan, yeelkeede, waxaa kun jeer hubban inuu yahay war jira oo u baahan yahay inay cashar culus ka dhigtaan madaxda Afrikaanka ah oo ah kuwa ugu horreeya ee dariiqaddan furaya maaddaama ay gabaan horumarinta dalalkooda iyo dadkooda.

Hadalsame Media