(Muqdisho) 21 Nof 2018 – Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamed oo hadda booqasho ku jooga Magaaladda Kismaayo uu ayaa si adag uga horyimid isbedelada siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika.
Waxaa uu weerar afka ah ku qaaday dadaalada madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ee isu soo dhawaashiyaha siyaasadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya mustaqbalka dhow iyo kan fogba.
Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sifeeyay dadaalada socda tallaabo lagu deg degayo waqtigan islamarkaana suurtagal aheyn in Soomaaliya iyo Itoobiya ka midoobaan dhinaca siyaasada.
‘’Mida aan maanta la bilaabi karin waa mid siyaasada, maanta annaga iyo Itoobiya siyaasadaan ka midoobeynaa ma dhihi karno waqtiggeedi ma’aha, dalkan marka uu dego uu dowlad micno leh yeesho oo dowladdiisu dowlad degan oo adag noqoto markaa kaddib waa la oran karaa bal siyaasada-na aan ka midoowno laakiin hadda ma’aha’’ ayuu yiri Xassan Sheekh Max’uud..
Laakiin waxaa uu sheegay in dhinaca dhaqaalaha iyo xiriirka ganacsiga si taxadar leh looga wada hadli karo.
Waxaa kale uu gaashaanka ku dhuftya suurtagalnimada in xudduudaha labada dal la isku furro.
‘’Laakiin tan dhaqaale iyo masaaliixda kale ee ganacsiga wada hadalkeeda waa la bilaabi karaa, taas laftirkeeda ayaa u baahan taxadir iyo in aan lagu soo boodin xudduudihii waa la furay iyo is dhaxgal deg deg ah ’’ ayuu yiri Xassan Sheekh.
Hadalsame Media