Donald Trump oo difaacay Boqor Maxamed Bin Salaam oo loo haysto dilka Weriye Khashuuqji

0

(Muqdisho) 21 Nof 2018 – Madaxweynaha dowladda Maraykanka Donald Trump ayaa muujiyay wax ka duwan wixii laga filayay isagoona si cad taageero indho la’aan ah ugu muujiyay hoggaamiyaasha boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Trump ayaanba dheg jalaq u siin jawaabihii laga filayay ee ahaa waxa maamulkiisu ka yeelayo hogaamiyaha Sacuudiga ee Maxamed Bin Salmaan oo la xaqiijiyey inuu ka danbeeyey amarka dilkii suxufigii Jamal Khashuuqji kaasoo ay koox Sucuudi ah ku dhex dileen Qunsuliyada ay ku leeyihiin magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

CIA-da ayaa todobaadkii la soo dhaafay sheegtay in amarka dilkaasi uu ahaa mid si toos ah uga yimid Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Hase ahaatee Donald Trump ayaa ugu danbeyntii qoraal uu kasoo saaray go’aanka CIA-da ku dooday in Adduunka oo dhan ay ka dhacaan falal xun, isagoona sheegay in uusan dhacdadan u burburin doonin xiriirka uu Maraykanka la leeyahay Sacuudiga.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay Maraykanka illaalshan doonaan dhaqaalaha badan oo ay ka helaan Sacuudiga dhanka iibka hubka, ganacsigaasi oo uu sheegay in hadii ay burburiyaan ay ka faa’iideysan doonaan dalalka China iyo Ruushka, waa siduu hadalka u dhigayee.

Waxaa uu carabka ku adkeeyay in Sacuudiga uu yahay xulafadooda muhiimka ah ee Bariga Dhexe oo ay u baahan yihiin inay gacan kasiiyaan qorshahooda ka dhanka ah Xukuumadda Iran.

Xubno badan oo ka tirsan golayaasha baarlamaanka Maraykanka ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Trump oo lagu tilmaamay mid fuleynimo iyo ismaahin ku qotama.

Hadalsame Media