(Torino) 21 Nof 2018 – Hal todobaad kaddib markii uu Talyaaniga u saftay kulankiisii qarniga ee 100-aad, Giorgio Chiellini ayaa doonaya inuu jebiyo rikoodhkii Roberto Bettega, haddkii uu Juventus u dheelo kulanka Spal.
Gambeedkan ayaa noqday laacibka 7-aad ee ugu safashada badan xulka Azzurri ciyaartii Portugal, balse waxaa markan u xigta Bianconeri oo uu u dheeleyo kulankiisii 483-aad, taasoo ka dhigaysa laacibka 5-aad ee ugu safashada badan abid.
Chiellini ayaa haatan barbarro la ah Roberto Bettega, balse wuu ka tegayaa haddii todobaad dhamaadkan safto kulanka Spal.
Waxaase weli kasii horreeya Giuseppe Furino oo saftay 528, Gaetano Scirea oo ah 552, Gianluigi Buffon oo ku tegey 656 iyo dabcan ninka guud ahaanba ugu safashada badan ee Alessandro Del Piero oo ciyaaray 705 oo kulan.
Hadalsame Media