(Muqdisho) 21 Nof 2018 – Ugu yaraan shan ruux ayaa la sheegay inay weerarkan ku dhaawacmeen waxaana boolisku sheegeen in weerarku ka dhacay Malindi, ayna suuragal tahay inay ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab oo ka dagaalama Soomaaliya.
Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday goob laga dukaameysto oo ku taala suuqa Makongeni ee tuullada Galana Kulalu, gobolka Kilifi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ugu yaraan 80 nin oo aad u hubeysan ay weerarkaan ka dambeeyeen. Kooxdan ayaa sidoo kale afduubtay qof dumar ah oo u dhalatay Talyaaniga
Haweenaydaan Talyaaniga ah ayaa halkaasi uga shaqeynaysay qaab samafalnimo iyadoona dhawaan gurri ka ijaaratay tuuladaasi.
Weerarka ayaa dhacay shalay galinkii hore laakin waxaa warbaahinta gudaha Kenya ay baahisay maanta oo Arbaco ah iyagoona soo xiganayay saraakiil ka tirsan Booliska dalkaasi.
Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah haween iyo carruur.
Hadalsame Media