Murankii diblomaasiyadeed ee Qadar iyo Sucuudiga dhex maray wuxuu ku dhisnaa Sucuudiga oo isu arkayay inuu yahay kaabbaha gobolka iyo ugaas ay tahay inay ka dambeeyaan dhamaanba dalalka Muslimka ah, isagoo dabcan ka faa’iidaysanaya saamayn ruuxi oo ay bidayaan Muslimiinta oo uu laakiin maamulka dalkaasi uga faa’iideeyo reer Galbeedka.
Beri dhowayd unbay ahayd markii uu Maxamed Bin Salmaan oo ah dhaxalsugaha Boqortooyadaasi uu si saraaxi ah u caddeeyay inay xag-jirnimo ku tallaaleen dalalka Islaamka, si buu yiri aannu ula dagaallanno hannaankii Hanti-wadaagga ahaa ee uu horseedka ka ahaa Midowgii Soofiyeeti.
Si kastaba, go’doominta guuldarraysatey ee Qadar lagu qaaday oo ahayd tillaabo aan laga fiirsanin waxaa kasoo dhex baxday hal arrin oo ahayd Somalia oo markii ugu horreeysey ka madax adaygtay go’aan uu Sucuudigu horseed ka yahay, taasoo ka caraysiisay reer Aal Sucuud oo Somalia u arka cows sac loo dhigay iyo dal aan waxba ka diidi karin.
Sucuudigu way qaadan waayay in Somalia ay dhexdhexaad ka noqotay go’doomintaas oo ay weliba taa bidaalkeeda ay hawadeeda ku casuuntey dalka Qadar oo loo diidey hawada ilaa 4 dal oo Carbeed, kaddib markii ay Muqdisho ku gacan sayrtay inay dhinac raacdo, iyadoo dalalka Khaliijka farta ugu fiiqaysa inay taageeraan dadaallo ay Kuwayt waddey.
Sucuudiga ayaa ku tashanayay madaxwaynaha Somalia ee Mohammed Farmaajo oo xilligaa tiiyoo uu weli cusbaa ilaa 2 booqasho ku tegey Riyaad, waxaa sii horreeysey Somalia oo ku jirtey dalalkii taageeray isbahaysga uu Sucuudigu hoggaaminayay ee ka hor jeedey kooxda Xuutiga ah ee ka dagallanta Yaman. Taasi waxay Sucuudiga gelisey inay midigta ku hayaan samaca iyo basarka Somalia.
Balse xitaa way shaqayn wayday inay $80 milyan ku yaboohaan, haddaba waxaannu sheekadan oo dhowr qaybood ah ku faaqidi doonnaa sooyaalka siyaasadda Sucuudiga ee Somalia ku jeedka ah iyo jugaha ay Sucuudiga u gaysteen qarannimada Somalia iyagoo eegaya dano ay dalal kale u soo xilsaarteen, balse Soomaalida oo diin ka carfinaysa ay ku dhagreen walaalnimo been ah, sida dagaalkii 77 ay Somalia la gashay Amxaarada oo aannu si wayn u jeex jeexayni haddii Alle idmo.
La soco qayb kale…
Waxaa Qoray: Zecharias Zelalem
Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media