(Al Cayn) 21 Nof 2018 – Haweenay Moroccan ah ayaa lagu eedaynayaa inay saaxiibkeed ku dishey dalka Imaaraatka Carbeed — iyadoo deetana hilibkiisa sidii sab ugu dallacday bariis dalkaasi laga jecel yahay.
Haweenaydan oo aan haybteeda la baahin, ayaa sida la yiri doonaysay inay ninka ka aarsato kaddib markii uu xiriirkeeda soo afjaray, tiiyoo ay dhaqaale ahaan taageeraysay muddo 7 sano ah oo ay xiriir lahaayeen, sida ku dhigan warqaadka Abu Dhabi kasoo baxa ee The National.
Dacwad oogayaasha Imaaradda Al-Ain ayaa sheegay inay wiilka dishey 3 bilood kahor, balse lama qabanin ilaa markii dambe iligtiisa laga helo qallaadada wax lagu shiido.
Waxay markii dambe qiratay inay maydkiisa fogaysay iyadoo kaashanaysa saaxiib kale, balse ay qaar hilibkiisa ka tirsan ku dartay bariis halkaasi laga jecel yahay oo machboos la yiraahdo, kaasoo ay ku soortay shaqaale deris la ahaa. Booliiska ayaa sheegay inay dacwaddu weli furan tahay oo uu baaritaan soconayo.
Hadalsame Media