(Muqdisho) 21 Nof 2018 – Sirdoonka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay howgallo lagu qabtay xubno la sheegay inay ka mid yihiin ururka Daacish. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka ayaa ku baahisay barteeda Twitter-ka in 19-ka November 2018 Ciidamada amniga Magaalada Muqdisho ay kasoo qabteen xubno Kooxda ka tirsan Daacish.
Xubnahaan la sheegay inay ka tirsan yihiin Daacish ayaa lagu soo qabtay howlgal gaar ah oo Ciidanka Hay’adda NISA ay ka sameeyeen qeybo kamid ah Muqdisho.
Howlgalkaan qorsheysan ayaa si taxadar leh oo Qofna wax ku noqon u fulay sida lagu sheegay Qoraalka Hay’adda NISA ay soo saartay.
“Abaare 11-ka fiidnimo ee 19-ka November, 2018, ciidamada amniga ayaa magaalada Muqdisho kasoo qabtay xubno ISIS ah, Howlgalkan ayaa si taxadar leh oo cidi wax kunoqon u fulay, Soo qabashada xubnahaan ayaa Dhantaalaysa dhagarta ay ISIS u maleegayeen shacabkeena” sidaasi ayaa lagu yiri Qoraalka Hay’adda NISA ay ku baahisay Twitter-ka.
NISA ayaa sare u qaaday howlgalladeeda qarsoodiga ah ee ay la beegsanayso kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya sida Daacish iyo Al-Shabaab.
Hadalsame Media