AC Milan oo Jannaayo raadinaysa laacibka Rodrigo De Paul (Kulan ballansan)

0

(Udine) 21 Nof 2018 – AC Milan ayaa sida lasoo werinayo waxay raadinaysaa garab-weerarka kooxda Udinese ee Rodrigo De Paul, kaasoo ay wakiilkiisa la kulmi doonto Isniinta soo aaddan.

kooxda Rossoneri ayaa bartanka ka taalla xasarad dhanka dhaawacyada ah, waxayna doonaysaa inay safkeeda ku xoojiso xiddigo cusub suuq-jiilaalka Jannaayo, jeer ay raadinayso ina kusoo laabato tartanka Champions League.

Sida uu qabo webka Gianluca Di Marzio, waxaa durba la qorsheeyay shir Isniinta dhexmari doona wakaaladda laacibka ka mas’uulka ah ee You First Sports, oo metesha De Paul.

AC Milan ayaa la aaminsan yahay inay sidoo kale isha ku hayso xiddigo ay ka mid yihiin Donny van de Beek oo Ajax u safta iyo laacibka Sevilla ee Wissam Ben Yedder, balse kuwaa waxay u badan yahay inay xagaaga yimaadaan maadaama aysan kooxohoodu diyaar u ahayn inay fasaxaan bisha Jannaayo.

Hadalsame Media