Wax ka ogow safarka Madaxwayne Farmaajo ee Talyaaniga

0

(Muqdisho) 19 Nof 2018 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay u ambabaxaan magaalada Roma ee dalka Talyaaniga halkaasi oo la filayo inuu kulan kula yeesho madaxda dalkaasi.

Warar laga helay Madaxtooyada dalka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo martiqaad rasmi ah ka helay dowladda Talyaaniga.

Mr. Farmaajo ayaa madaxda Talyaaniga kala hadli doona xiriirka labada dal, iskaashiga iyo arrimo kale, waxaana Talyaaniga uu ka mid tahay dalalka ka taageera dowladda Soomaaliya qalabeynta ciidanka iyo tababarka Ciidanka Booliska.

Hadalsame Media