WALAAC: Dhallinyarada Soomaalida ah oo kusii kordhaysa xabsiyada UK!

0

(London) 19 Nof 2018 – 31-kii Maarso ee sanadkaan sii galbanaya 2018 ayaa waxaa lagu sheegay tirada dhalinyarda soomaalida ah ee ku jira xabsiyada UK in ay gaareyso 305.

Saadaal hordhac ah ayaa muujineysa in laga yaabo in sanadka nasoo kulaalaya ay tiradu intaa kaba sii badato.

Arrintan ayaa loo sababeeynayaa caruurta gaangiska ama fara laga qaadka ah ee Soomaalida oo iminka aad u kordhaysa.

Dhallinyarda soomaalida ayaa hada Aad ugu jira suuqa daroogada iyo burcadnimada waxaana hada soomaalidu ay tahay qoowmiyada sedexaad marka laga hadlayo denbiyada gaangiska la xiriira.

Aabayaal soomaaliyeed oo caruurtooda dayacay ayaa ku qul qula wadankii hooyo waxaana culeyska qoyska la liicaya hooyooyinka oo aan xakameyn karin qaarkood wiilashada marka ay 14 jir gaaraan.

Waxaa jira hooyooyin badan oo caruur wanaagsan kaligood soo saaray kuwaas oo aad ugu dadaalay, waloow ay bay’aduna door muhim ah ciyaarayso.

Waxaa Diyaariyay: Mohamed Dhoore

Hadalsame Media