(Nairobi) 19 Nof 2018 – Wariyaha Kenyaanka Ben Kitili ayaa xaflad aroos u dhigay gabadh Soomaali oo saaxiib la aheyd muddo sadex sano ah.
Aamina Muudeey ayaa u haysay Ben gabadh sadex sano jir ah, waxa ayna warbaahinta Kenyaanka ku tilmaameen isdhex galka dhaqanka qowmiyadaha Kenyaanka iyo kuwa Soomaalida.
Diiniyan lama ogola gabadh Muslimad ah in uu guursado nin diin kale aaminsan, kaba sii daran waxay horay ugu dhashay gabar Ruby la yiraahdo oo guurka ka horreeysey, arooskoodiina hadduu dhacay.
Waxaa Diyaariyay; Fu’aad Cabdi Maxamed
Hadalsame Media