XOG: Inter Milan oo ”heshiis mabda’iyan ah kula jirta Sergej Milinkovic-Savic!

0

(Milano) 19 Nof 2018 – Maareeyaha Guud ee u dooran Inter Milan Beppe Marotta ayaa sida la sheegayo wuxuu ‘heshiis mabda’iyan ah’ kula jiraa laacibka khadka dhexe ee Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic.

Sida ku qoran Corriere della Sera, Marotta ayaa maalmaha yar ee soo aaddan milkiilayaasha Inter u xaqiijin doona in laacibka 1-aad ee uu xagaaga bartilmaameedsanayaa uu yahay Milinkovic-Savic.

Warsidaha ayaa sharraxaya in 61-jirkani uu horayba wada xaajood ula galay madaxwaynaha Lazio ee Claudio Lotito marka ay timaaddo saxiixa laacibka waloow uu markaa joogey Juventus.

Waxaa intaa dheer, Marotta wuxuu heshiis doorbiditaan kula jiraa Lotito, kaasoo kooxo kale heshiis ka diidey bishii Agoosto, taasoo loo sababeeyay heshiiska labada dhinac.

Hadalsame Media