(Muqdisho) 19 Nof 2018 – Wararka laga helayo wadanka Koofur Afrika ayaa sheegaya in xalay lagu dilay halkaasi muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku Ganacsata dalkaasi.
Dilkaan ayaa sida la sheegay ka dhacay Magaalada Mayfair waxaana Muwaadinka soomaaliyeed ee la dilay Magaciisa lagu sheegay Cali Yare.
Soomaalida ku ganacsatada Magaaladda dilku ka dhacay ayaa walaac ka muujiyay falkaani naxdinta leh, hase ahaatee waxaa ay sheegeen in dilkaasi uu ka dambeeyay nin kale oo Soomaali ah oo khilaaf hore uu kala dhaxeeyay marxuumka dhintay.
Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada Booliska dalkaasi ay gacanta ku dhigeen dambiilihii gaystay dilka.
Dalka Koonfur Afrika waxaa uu ka mid yahay wadamada ugu badan ay ku nool yihiin ganacsatada Soomaaliyeed hase ahaatee waxa ay la kulmaan dil iyo dhac joogta ah.
Hadalsame Media