(Moscow) 19 Nof 2018 – Dayuuradda ugu dambaysa ee Ruushku sameeyo dhanka kuwa guuxooda ka dheereeya raadeerka ka dhuunta ee Su-57 ee jiilka 5-aad ayaa lasoo sawiray iyada oo samaynaysa layli ku aaddan in hawada shidaal lagu qaato.
Howlgalkan layliga ah, ayaa waxaa fulinayay duuliyaha laga dambeeyo ee Sergey Bogdan oo wadey Su-57 isagoo 10 daqiiqo daba taagnaa dayuurad ah nooca booyadda ah ee An-12, wuxuuna u jirey meel ay weriyayaasha u shaqeeya ciidamada dalkaasi ee Zvezda ay si cad wejigiisa u arki karaan.
Dayuuradda ayaa soo dhowaatey ilaa ay ka gaartey masaafo ay dayuuradda shidaalka sidaa ay kala soo gaari karto kaybalka saliidda sida, isla markaana ay iskaga jiri karto isku dhac dhanka hawada ah, waxaana horay loo daawaday muuqaalka Su-57 oo shidaal ka qaadanaysa taankarka Il-78.
Hadalsame Media