AC Milan oo baaraysa waxa dhaawacyada badan ugu wacan, berrina sugaysa go’aanka UEFA (Warbixin)

0

(Milano) 19 Nof 2018 – AC Milan ayaa waxaa naafeeyay dhaawacyo silsilad ah iyadoo ay dhaawacmeen 12 laacib oo Rossoneri, sida ku qoran La Gazzetta dello Sport, waxay Milan is waydiinaysaa waxa ugu wacan arrintan aan caadiga ahayn.

TABABARKA IYO DIYAAR GAROWGA – Warsidaha ayaa sheegay in mid ka mid ihi ay tahay tababarka adag ee ay kooxdu samayso taasoo ay ku jirto inuu tababarkaasi yahay mid ku habboon naadi xirfadle ah iyo in kale.

Shaqada badan ee tababarku waa halis sida uu sharraxayo Corrado Saccone, oo horay ula soo shaqeeyay Napoli iminkana jooga Partizani Tirana: “Khibradaydu waxay ii sheegaysaa in shaqada badan ee tababarku ay waxyeello badan tahay. Saacad iyo bar ayaa ah waqtiga ku habboon tababarka,” ayuu yiri.

BEDDEL LA’AANTA – Dhaawacyada badan waxaa sidoo kale wax nooga sheegaysa sida uu kooxda u isticmaalo Rino Gattuso oo inta badan safa 11 isku mid ah, taasoo keentay inay laacibiintani jir ahaan iyo niyad ahaanba daalaan.

Gattuso ayaa sidaa ku doonaya inuu kooxda tuso inuusan kayd fiican haysanin si uu xoojin uga helo suuq jiilaalka, waloow ay taa lafteedu ku xiran tahay xukunka berri ka iman doona magaalada Nyon oo ay UEFA ku go’aamin doonto kiiska Milan.

Milan ayaa rajaynaysa in ganaax lacageed loogu simo maaddaama aanu khaladka gelin maamulka haatan, kaddib xagaaga la siiyo heshiis mutadawacnimo oo 3 sanadood xarigga loo dheereeynayo.

Yeelkeede sennaariyaha ugu darani waa haddii lacag lagu ganaaxo misna la xaddido laacibiinta ay safi karto tartamada UEFA hoos taga, dhowr suuq laga ganaaxo, ama in laacib kasta oo ay soo iibsato ay mid la mid ah iibiso iwm. Waxaa la arki doonaa berri 9:30 wixii ka bilowda.

Hadalsame Media