(Muqdisho) 18 Nof 2018 – Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa la sheegay in amar uu ku bixiyay siideynta sarkaalkaan la sheegay inuu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab sida ay sheegayaan saraakiil dhanka amniga ah oo ka tirsan dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.
Illahaan sirdoon oo la hadlay warsidaha Hadalsame Media ayaa sheegay in markii labaad xabsiga laga sii daayey Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaano Ina Calool Geel.
Madaxwayneha Puntland ayaa la sheegay in sababta uu go’aankaan u qaatay ay tahay kadib markii maamulkiisu cabsi ka muujiyay in dagaalo ka dhacaan gobolka Mudug haddii xabsiga lagu sii hayo sarkaalkaasi ama lagu fuliyo xuku dil ah.
Maalmo kahor waxaa ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo banaanbaxyo looga soo horjeeday xukun dil ah oo maxkamad ku taala Boosaso ay ku riday ninkaan.
Waa kuma Ina Calool Geel?
Calool Geel ayaa Maxkamada ciidamada Puntland dil toogasho ah ku xukuntey asbuuc kahor, hase ahaatee xabsiga ayaa laga sii daayey waxaana lagu wareejiyey xubno ka tirsan maamulka Galmudug.
Waxaa jira warar sheegaya in loo soo wareejiyay oo loo soo dhoofiyay Magaaladda Muqdisho.
Sarkaalkaan oo la sheegay inuu ka tirsan yahay ururka Al-shabaab ayaa dil toogasho ah ku xukunaa markii maamulka Puntland taladiisa uu qabtey Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, hase ahaatee xabsiga ayaa laga sii daayey sanadkii 2015 isagoo dib loo soo qabtey sanadkii 2017 kadib markii magaalada Gaalkacyo howlgalo ay ka sameyeen ciidamada Puntland.
Sarkaalkan ayaa xiligaas la sheegay inuu qayb ka ahaa qaraxyo ururka Al-shabaab ka fuliyeen magaalada Galkacayo.
Hadalsame Media