(Bergamo) 18 Nof 2018 – Macallinka Atalanta ee Gian Piero Gasperini ayaa la sheegay inuu u sharraxan yahay xilka macallinnimada AC Milan si uu dhamaadka fasalkan u bedelo Gennaro Gattuso.
Waloow uu woxoogaa kasoo raayay, misna Gattuso waxaa saaran cadaadis badan, iyadoo ay u badan tahay in aanu kooxda sii joogaynin kaddib dhamaadka fasalkan.
Sida ku qoran Tuttomercatoweb, Gasp ayaa waxaa si toos ah Milan u waydiisey inuu xiisaynayo xilkaasi, waana arrin xiise lahaan karta maadaama uu 60-jirkani ku fiican yahay soo saarista xiddigaha cusub.
Waxaa intaa dheer inay u noqon karto fursad aarsi, maadaama ay hadda kahor Inter cayrisey kaddib 5 kulan oo qura 2011, kuwaasoo ay ku jirtey Italian Super Cup Final oo ay isla Milan ka qaadday bishii Agoosto ee sanadkaas.
Hadalsame Media