(Washington, DC) 18 Nof 2018 – Haweenay Masriyad ah ayaa sheegtay inuu qudbi siro ku qabey weriyihii la khaarajiyay ee Jamal Khashoggi oo sida ay sheegtay ay isku guursadeen xaflad diineed oo sanadkan lagu qabtay Maraykanka, bilo ka hor markii la diley isagoo raadinaya waraaqo uu ku guursado haweenay kale.
Arrintan ayaa u muuqata mid ka qarsoonayd khaddiibaddiisii Turkiga ahayd iyo qof kasta oo ka mid ah xubnaha qoyska Khashuuqji, waxayna waraysi ay haatan bixisay ku sheegtay “in ay u baahan tahay xaqeeda iyo in la aqoonsado.”
Waxay hadalkan dhiibtey iyadoo sheegtay inaysan u baahnayn inay haybteeda kashifto waxayna kaliya gudbisey magaceeda oo ay kusoo koobtay, H. Atr, iyadoo amaankeeda iyo shaqadeeda u baqaysa.
Atr waxay warsidaha The Washington Post la wadaagtey farriimo ay is dhaafsadeen Khashuuqji iyo sawirro iyagoo isla jooga, oo ay xitaa ku jiraan kuwii xafladda arooska oo bishii Juun ka dhacay meel ka yara baxsan Washington.
[AKHRI: CIA oo sheegtay in dilka Khashuuqji uu si toos ah u amray MBC]
Xubnaha qoyska Khashoggi ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan guurkan cusub, halka gabadhii u doonnayd, Hatice Cengiz, oo telefoon waraysi ku bixisay ay sheegtay inaysan ka warqabin xiriirkaasi, iyadoo dood gelisey ujeedkeeda.
“Jamal marna iima sheegin wax ku saabsan haweenaydan,” ayay tiri Cengiz. “Maxay iskugu dayaysaa inay bedesho sawirka ay dadku ka haystaan Jamaal? Maxay doonaysaa?…Waxaan ka shakisan ahay inuu ujeedku yahay inay sumcadda ka disho.” ayay raacisay.
Haweenaydan ayaa haddii ay haybteeda ah inay tahay xaaska Khashuuqji xaqiijiso wax ku yeelan karta diyada iyo magdhowga ay Sucuudigu ku khasban yihiin inay dilkiisa ka bixiyaan. Balse qiyamka sharci ee Atrs ma cadd — mana haysato wax shati ah oo guurkooda muujinaya.
Hadalsame Media