Tottenham oo €40m oo euro ku raadinaysa Nicolò Barella (Kooxo kale oo ku haysta)

0

(London) 18 Nof 2018 – Kooxda Tottenham Hotspur ayaa sida lasoo werinayo waxay €40m oo euro ku doonaysaa laacibka khadka dhexe uga dheela Cagliari iyo xulka Talyaaniga ee Nicolò Barella.

Wiilkan oo 21-jir uun ah ayaa wacdaro ka dhigay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee tartanka Nations League ee ay la dheeleen Poland iyo Portugal, iyadoo ay durba cayrsanayaan kooxo badan oo Talyaani ah sida Inter, Juventus, Roma iyo Napoli.

Yeelkeede, sida ku dhigan Calciomercato.it, naadiga Premier League ee Tottenham ayaa u kulul inay kula wareegaan €40m oo euro. Barella ayaa horay u sheegay inuu jecel yahay inuu ka dheelo England, oo ku habboon kubaddiisa jireed iyo taakadiisa adag.

Hadalsame Media