(Muqdisho) 18 Nof 2018 – Magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa uu kulan ku dhexmaray maanta Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Cabbeey Axmed waxaana Mr. Geelle uu Cabbeey Axmed ku amaanay isbedelada la taaban karo ee uu ka gaaray gudaha Itoobiya iyo guud ahaan gobolka iyo isdhex-galka Geeska Afrika.
Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shir labo geesood ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa.
Ka di, shirka labada hoggaamiye ayaa Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Workneh Gebeyehu waxaa uu wariyeyaasha u sheegay in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Jabuuti ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labada dal iyo isdhexgalka gobolka.
Labada hoggaamiye ayaa bogaadiyay isdhex-galka Geeska Afrika,waxayna si wadajir u ammaaneen go’aanka cunaqabataynta looga qaaday Eritrea.
Ra’isal Wasaaraha Ethiopia wuxuu sheegay in Ethiopia ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aadan dhisida xiriir wanaagsan oo dhexmara Eritrea iyo Jabuuti iyada oo loo marayo fududeynta dhammaan hababka wanaagsan, ayuu yiri Workneh.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in tan iyo markii Abiy Ahmed loo doortay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, uu ku guulaystay inuu bedelo muuqaalka siyaasadeed ee gobolka.
Maxamuud Cali Yuusuf wuxuu intaas ku daray in cabbeey Axmed uu yahay runtii horyaalka geedi socodka isdhexgalka Geeska Afrika, taasi oo Jabuuti ay ku ammaantay.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Axmed ayaa maanta magaalada Adis-ababa ee caasimadda Ethiopia kula kulmay dhiggiisa Masar Mostafa Madbouly.
Labada hoggaamiye ayaa kullankooda xoogga ku saaray sida lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah iyo iney iskaashi ka sameeyaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.
Intii lagu guda jiray wada-xaajoodka Ra’iisal wasaare Cabbeey Axmed iyo Mostafa Madbouly waxay dhiiri geliyeen iskaashiga laba geesoodka ah ee lagu gaaray guulaha cusub.
Hadalsame Media